Ministry of Fisheries & Marine Resources Puntland
@mofmr1
Official @X Account for Ministry of Fisheries & Marine Resources Puntland State of Somalia | facebook.com/mofmr1
ID: 960208554950103040
http://mofmr.pl.so 04-02-2018 17:48:54
69 Tweet
121 Followers
8 Following
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Hon. Abdirizak Abdulahi xagaa, oo uu weheliyo Wasiir Ku-xigeenka, Mohamud Gabax ayaa maanta heshiis deeq waxbarasho oo heerka labaad ah (Master Degree) la saxiixday Jaamacadda Pwani Pwani University, Kenya.
Garoowe: Madaxweyne Ku-xigeenka DPL, Ilyas Osman Lugatoor, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Kalluumeysiga, Abdirisak Abdulahi Xagaa, oo ay weheliyaan masuuliyiin ka socda Jaamacadda Pwani University, wuxuuna boggaadiyey heshiiska deeqda waxbarasho oo dhexmaray labada dhinac.
Waxaa xarunta Ministry of Fisheries & Marine Resources Puntland si rasmi ah uga bilowday shahaado siinta musharaxiinta ku tartamaya doorashada iskaashatada kalluumaysiga ee degmada Boosaaso. Guddiga Doorashadda ayaa bixinaya shahaadada rasmiga ah kadib markii musharax kasta uu buuxiyo shuruudihii looga baahnaa.
Garoowe: Wasaaradda Ministry of Fisheries & Marine Resources Puntland ayaa qabatay kulanka dib-u-eegista qaab-dhismeedka iyo howlaha shaqo, kaas oo lagu soo bandhigay qaab-dhismeedka cusub ee wasaaradda oo markii hore ka koobnaa afar (4) waaxood, balse hal waax oo cusub ayaa lagu daray.
Guddoomiyaha iyo G/ku-xigeenka cusub ee iskaashatada kalluumaysiga Boosaaso, Maxamed Cismaan iyo Muuse Cali oo lagu doortay nidaamka qof iyo cod ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay guddoomiyihii hore, Mustafe Abshir, waxaana goobjoog ahaa La-taliyaha Sare ee Ministry of Fisheries & Marine Resources Puntland Cali Salaad
Garoowe: 19 November 2025: Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland Hon Abdirizak Xagaa oo uu weheliyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mohamud Gabax ayaa la kulmay Madaxa UNDP Somalia, Lionel Laurens iyo Madaxa Xafiiska Puntland, Muuse Ducaale.