Walhad (@walhad3) 's Twitter Profile
Walhad

@walhad3

ID: 1462500183011479552

calendar_today21-11-2021 19:17:33

489 Tweet

23 Followers

60 Following

Walhad (@walhad3) 's Twitter Profile Photo

Aduunkaa saxal-meeree Maxaa geenya sibaaqle Sawir uu wadwataayoo Gurigiisa saqaafta ! Mid cadceeda u soofa Sida xoola mawaashi Maxaa sooryo Habooniyo Gogal fiican ku seexda !

Walhad (@walhad3) 's Twitter Profile Photo

Markii duulaanka yahuudu qaza ku bilowday waa laga hadlayey, balse kadib caadi ayuu noqday. Markii gumaadka daran ay ka bilowday qaza ayana waa laga hadlayey, ayana waa lala qabsaday. Hada waxaa laga hadlayaa baryahaan gaajaysiinta un, intii kale markii la iskala soo tagay!!!

Walhad (@walhad3) 's Twitter Profile Photo

Awr balo ninkii rara aagaanta uwayn asagaa la daga: Balaayo ninkii wada asagaa ku baxa. Nin balaayo heehaabiyaba waa u hoyataa. Nin balaayo wadaa Asagaa ku baxee Cartan boos ma kanaa!?. Balaayo madax laqabaty leedahay balse mijo la qabto maleh.

Walhad (@walhad3) 's Twitter Profile Photo

Casar liiq cadceed galab joogta Caad iyo daruur ku cillaaman Dhiirtaag midab calihi carfinaayo!! Cadceed sii dhicii fallaaraheedii oo Caleentii dhirta sagoontinaya iyo dhulkii cagaaranaa ee Ceel-cad iyo Ceel-gaab u dhexeeyey.

Casar liiq cadceed galab joogta
Caad iyo daruur ku cillaaman
Dhiirtaag midab calihi carfinaayo!!

Cadceed sii dhicii fallaaraheedii oo Caleentii dhirta sagoontinaya iyo dhulkii cagaaranaa ee Ceel-cad iyo Ceel-gaab u dhexeeyey.
Walhad (@walhad3) 's Twitter Profile Photo

Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda maraykanka ayaa yiri "Waannu difaacaynaa oo u hiillinaynaa dad kirishtaanka ah ee an waxba galabsan kuna nool dalka Nigeria, haddii ay handadaad iyo halis la kulmaan". Tolow kuwii 100kun ku dhawaa ee Qaza lagu xasuuqayey ayagu abriyo maahayn!!

Walhad (@walhad3) 's Twitter Profile Photo

Adduunkana awood baa ka shaqaysa, haddaan soomaali nahayna annaga afkii bay inooga hartay. Dowlad soomaliyeed oo maanta jirtana maleh, amase warkeed la dhagaysto. Maamul-gobaleed walba asagaa madax-bannaan, markii dhab loo hadlo. Kuwo badan ayaana dhiiran hadi Somaliland ay tagto

Walhad (@walhad3) 's Twitter Profile Photo

Adduunkaan sharci iyo qaanuun kama shaqeeyo, awood baa ka shaqaysa. Inta aad beesha caalamka u dacwoonayso ama baaq iyo bayaan kaliya warkaagu yahay, sidii larabo ayaa lagaa yeelin.

Walhad (@walhad3) 's Twitter Profile Photo

Ciidamada saaka hawlgalka saddexda saaca kusoo qabtay madaxweynihii dalka Venezuela, waxay ahaayeen ciidanka DELTA FORCE ee sida gaarka ah u tababaran. Ciidankaan laftoodu waxay ahaayeen kuwii uu 1992dii Caydiid iyo soomaalidii lasocotay laamiyada xamar ku jiidayeen.

Walhad (@walhad3) 's Twitter Profile Photo

Waxyaabaha la inagu mashquuliyo ee dhaqaalaha beenta ah la inagu siiyo waxaa kamida: Laqabsiga isbadelka cimilada oo an ahayn mawduuc inoo yaal iyo wax ina quseeya. Lagu siin maayo gacafyo iyo agab beeraha lagu tabco. Laguu dhisi maayo warshado wax soo saar.

Walhad (@walhad3) 's Twitter Profile Photo

Si adduunku iskugu dheelli-tirmo siyaasad ahaan iyo awood ahaan, waa muhiim inay jiraan laba daraf oo laba aragti kala aaminsan. Sida; aragtida hanti-wadaagga ama shuuciyadda ee bariga iyo midda raasamaaliga ama hanti-goosadka ee galbeedka.

Walhad (@walhad3) 's Twitter Profile Photo

Fashilka wada-hadallada Iraan Iyo Maraykan ee maanta lagu kala dareeray ayadoon wax isfaham ah laga gaarin, waa arrin awalba Maraykanku marmarsiiyo iyo bannaysi uga dhigayey sii socoshada dagaalka iyo ku duulitaanka hadba dalka uu rabo.